Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay cabashada arday aan gelin imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, kuwaas oo ku sugnaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.
Diyaarad ayaa aradayda ka soo qaaday garoonka diyaaradaha Baraawe, waxaana loo qaaday dhanka magaalada Muqduisho, si ay imtixaanka uga qeeyb galaan, oo ardayda ay ku jiraan maalintii 2-aad , oo shalay la daah furay.
Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaalka arday kamid ah araday ku sugan Baraawe, kaas oo sheegay in lagu war geliyey in imtixaanka ay ku galayaan magaalada Marko balse aysan suurto gelin arrintaas.




From the comments