Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare maamulka Puntland ayaa ka hadlay hadal ka soo yeeray wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu kaga hadlay bixinta Shahaadada.
Wasiir Goodax Barre ayaa sheegay in aysan arday imxitaanka dowladda aan ka qeyb aheyn wasaaraddu siin doonin shahadada dugsiga sare ee fasalka 12-aad, isaga wasiirku oo si gooni ah u timaamay ardayda maamulka Puntland.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed oo ka jawabayey hadalkaas ayaa waxaa uu sheegay in Shahaadada waxbarashada dowladda uu xaq leeyahay ardaygii Soomaali ah, isla markaana galay Imtixaan rasmi ah .




From the comments