Waxaa faahfaafin dheeraad ah laga helayaa Qarax maanta ka dhacay dhabarka dambe ee Safaaradda dowladda Qatar ay ku leedahay magaalada Muqdusho, gaar ahaan xaafadda Taleex ee degmada Hodan.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu haleelay gaari ay wateen ciidanka Booliiska dowladda Soomaaliya oo goobtaas marayey, waxaana jiro khasaare kala duwan oo soo gaaray askarta iyo dad shacab ah.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku geeriyooday labo askari oo ka tirsan ciidamdii saarnaa gaariga qaraxa uu qabsaday, waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray 3 ruux oo shacab ah, kuwaas oo loo qaaday Isbitaallada.




From the comments