Waxaa saaka waabarigii Meydka gabar yar oo muddo dhowr iyo maamlmood ah la la,aa laga helay duleedka deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee maamulka goboleedka Galamudug.
Gabadhaan yar ayaa ehelkeedu waxaa ay baadigoob ku haayeen muddo 15 cisho ah, waxaana ugu dambeyn saaka isniin ah la helay meydkeeda iyadoo la gowracay, sidoo kalena laga xiray gacmaha sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Marxuumadda ayaa aheyd 11 sano jir, waxaana la lagu Magacaabi jiray Caaisha Maxamed Shanle, isla markaana waxay Eheladeeda ay sheegeen in gabdhooda la waayey 22 bishii June 2020-ka, lagana helay meydkeeda deegaanka Cayn oo qiyaastii 15-KM u jira Magaalada Godin-labe ee gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.




From the comments