Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolas Berlanga.
Wasiirka Bayle ayaa sheegay inay kawada hadleen dib-u-habeynta arrimaha Maaliyadda iyo taageerada midowga yurub ee miisaaniyadda dalka sidoo kale wasiirka maaliyadda waxa uu intaa ku daray inuu uga mahadceliyay taageeradda ay siiyaan midowga yurub Soomaaliya.
“Waxa aan maanta xarunta wasaaradda ,aaliyadda ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga oo ay wada shaqeyn buuxdo naga dhaxeyso”




From the comments