Somaliland ayaa si kulul uga hadashay hadal ka soo baxay dowladda Shiinaha, kaas oo loogu baaqay dowladda Twain in aysan xiriir la yeelan Somaliland, loona baahan yahay in ay dhowrto madaxbannaanida iyo dhulka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xaaji ( Faratoon) oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay Shiinaha uusan wax saamayn ah u yeelan doonin xiriirka ay la yeesheen wadanka Twain, xiriirka ay la yeesheen uu muddo soo socday oo laga soo shaqeynayey sida uu sheegay.
“Shiinaha uma aragno in uu culeys yeelanayo, innagana Soomaaliya ayaa tidhaahda annagaa leh, iyana shiinaha ayaa dhaha anaa leh, lakiin labadayaduba waan madax bannaan nahay, namana quseyso”. ayuu yiri wasiir Faratoon.




From the comments