Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntlnad Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka daah furay imtixaanka shaadiga ah arday dugsiyada dhexe iyo sare ee deegaannada Puntland.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay u fariisanayaan 16,500 oo ardey.
Dowladdu waxay xoojisay feejignaanta caafimaad ee ardayda iyadoo maanka lagu hayo xaaladda Covid-19, Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaana ka wada shaqeeyay in la raaco talooyinka Caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga covid-19 iyo la socodka heer Kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale.










From the comments