Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay waqtiga dib loo furaayo duullimaadyada dalka, kadib muddo hakad uu kuu jiray, sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee COVID-19.
Golaha wasiirada oo maanta kulankkoodii Khamiislaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay dib loo fasaxo duullimaadyada gudaha dalka 5- July 2020-ka.
Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale xusay in maalintii la ogal yahay in hal diyaarad ay u duusho dowlad goboleedyada, halka markii hore maalintii dhowr diyaarado ay tagi jireen.




From the comments