Madaxweynaha dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay Deegaanka Bangeelle ee dhaca duleedka magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaana ka mid ahaa wafdiga, Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid .
Madaxweyne (Qoor-Qoor iyo wafdigiisa ayaa kasoo amba baxay magaalabada Cabdud-waaq ee gobolka galgaduud waxaana uu qeybo badan uu ka mid ah deegaanada Galmudug iyo Mudug oo kusoo maray safarka socdaalka nabada uu madaxweynuhu ugu talagalay dib u hishiisinta bushlada galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor oo soo dhaweynta ka dib bulshada la hadlay ayaa ka hadlay muhiimada safarka socdaalka waxaana uu sheegay in safarkaan uu yahay mid ay kula tashanayaan bulshada si loo ogaado baahiyaha ka jira si wax looga qabto, waxaana sidoo kale uu uga mahadceliyaya soo dhaweynta ay sameeyeen.









From the comments