Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa maanta ugu baaqay dhammaan hey’adaha maxaliga ah iyo caalamka in ay joojiyaan wada shaqeynta guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe.
Guddiga oo war qoraal ah soo saaray ayaa xusay in laga bilaabo maanta aan guddoomiye Faysal aan loola dhaqmin sida ma’uul xasaanad leh, iyaga oo xeer ilaalinta ka dalbaday in Faysal lagu soo oogo dacwad la xiriirta hadal uu yiri.
Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada ayaa wuxuu awood u leedahay in uu sii wado shaqadii golaha, maadama labadii gole ee wakiillada iyo guurtida ay ku jiraan fasax, oo aan weli dib loogu soo laaban kulamadii goloyaasha.









From the comments