Ciidamo ka tirsan xoogga dalka qeybta 21aad ayaa saaka gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaas 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ku dagaalamaeen, labo maleesiyo beeleed, oo wada dega goobtaasi.
Ciidamada oo ka soo ruqaansaday magaalada Dhuusamareeb ayaa degay deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle, ciidamada ayaana fariisimo ka sameystay goobihii lagu dagaalamay.
Subaxanimadii saaka ayaa markale dagaal dib uga qarxay deegaanka Qalaanqalle, kahor inta aysan gaarin ciidamada, wararka Goobjoog ay ka helayso goblka ayaa ku waramayo in hadda ciidamu ay gaareen Qalaanqalle oo hoos yimaada magaala Dhuusamareeb, ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug




From the comments