Dowladda Turkiga ayaa war kasoo saartay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo shalay ka dhacay agagaarka dugsiga tababarka ciidamada ee Turksom ee Magaalada Muqdisho.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu cambaareeyay falkas oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana ka dhashay Khasaaro soo gaaray arday sugeysay gelidda xerada iyo askar.
”Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka, waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”. ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Turkiga.




From the comments