Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa sanadkaan joojisay Muslimiinta Xujeyda ah oo sanad weliba u soo cibaado taga dalkaasi, waxaana kaliya loo ogolaaday kuwa jooga gudaha dalkaas in ay gudan karaan Xajka sanadkaan.
Dowladda ayaa sheegtay in sababta ay tahay ka fogaansho, faafitaanka xanuunka COVID-19, iyadoo laga diiwaan geliyeyey 161,005 dalka xaaladood oo cudurka Caronavirus ah iyo 1,307 dhimasho ah.
“Kaliya tiro aad u kooban oo hadda ku nool boqortooyada ayaa ka qeyb qudan doonta waajibaadkaas” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda Boqortooyada Sucuudiga.




From the comments