Wasiirka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) ayaa sheegay in la dhameytiray sharciga hay’adda duulista rayidka isla markaan kaliya uu ka harsanyahay xeer hoosaadyo uu leeyahay dhawaana la soo gabagabey doono taasi oo ka dhalan doonto in dowladda Soomaaliyeed ay awood uyeelato diwaan galinta diyaaradaha ka howl-gal dalka iyo bixinta ruqsadaha wadidda diyaaradaha oo ay Soomaaliya bixin muddo 30 sano ku dhaw.
Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dhawaan ,madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya uu bixin doono leesinkii ugu horeeyay ee la siinayo bayloodyada diyaaradaha oo ay dowladda Soomaaliya bixin muddo ka badana 25 sano taasine ay ka dhalain doona hormarkale oo ay dadka Soomaaliyeed ku talaabsan doonaan.
“Laga bilaabo bilaha soo socda waxaan bilaabi doonaa in bixino adeegyada ay u baahanyihiin diyaaradaha sida leesinka iyo diwaan galinta diyaaradaha ay keensadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo hore ugeyn jirin dalalka Kenya iyo itoobiya, balse hadda ka dib ma dhaceyso waana ku guuleysanay dhameystirka sharcigi lagu dhaqi lahaa”ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka Oomaar.




From the comments