Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa nin Darawal ah ku dilay Isgooyska EXkoontarool Afgooye. Darawalka la dilay ayaa watay gaari caasi ah.
Askariga ayaa darawalka dilay ka dib markii ay ku murmeen dhiibitaanka lacago askariga uu weydiiyey, maadaama goobta ay ku yaallaan dhowr Boosteejo laga raro buubuurta soo aadda magaalada iyo kuwa u baxa Afgooye.
Askarigii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, ka dib dilka ninka Darawalka ah , ciidamada dowladda oo degan Exkoontrool oo goobta soo gaaray ayaa ku guul dareystay soo qabashada askarigii dilka geystay.




From the comments