Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federalaka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in COVID-19 dalka laga diiwaan geliyey kiisas cusub, kuwaas oo gaarayo 39 xaalaadood oo Coronavirus ah.
Wasaaradda ayaa xustay in kiisaska laga kala helay, gobolka Banaadir14, Puntland 12, Somaliland 8, Jubbaland 3 iyo Koonfur Galbeed oo laga xusay 2, kiiska wasaaraddu sheegtay 25 kamid ah waa Rag halka 14 ay yihiin Dumar.
Wasaaradda ayaa dhanka kale sheegtay in xanuunka ka soo caafimaadeen 45 ruux, halka wasaaraddu aysan warbixinteeda ku xusin muwaadin dalka guidihiisa ugu geeriyooday xanuunka samarja ah ee Coronavirus .




From the comments