Goobjoog

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Covoronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalilaha ee COVID-19 waxaa ay ku sheegtay in maanta la diiwaan geliyey 24-kiis oo xanuunka Coronavirus ah. Wasaaradda ayaa xustay…

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Covoronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalilaha ee COVID-19 waxaa ay ku sheegtay in maanta la diiwaan geliyey 24-kiis oo xanuunka Coronavirus ah.

Wasaaradda ayaa xustay in kiisaskaan laga diiwaan geliyey gobolka Banaadir 1 kiis, Somaliland 7 xaaladood, Puntland 14 kiis, halka Jubbaland laga xusay 1 kiis iyo Galmudug oo sidoo kale laga sheegay 1 kiis oo COVID-19 ah.

Wasaaradda ayaa dhanka kale sheegtay in 1 ruux uu gudaha dalka ugu geeriyooday xanuunka, waxaa sidoo kale ka soo caafimaaday 18 ruux, kiiska maanta la shaaciyeu 15 kamid ah waa Rag halka 9 kale yihiin Dumar.

Guud ahaan xanuunka COVID-19 ayaa ku dhacay 2,603 ruux, tan iyo markii uu ka dilaacay dalka,  waxaa u geeriyooday xanuunka 88 ruux, halka ay ka soo caafimaadeen dad gaarayo 577 muwaadin guud ahaan dalka.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments