Allah unaxariistee waxaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ka kamid ahaa ganacsada magaalada.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abdirahman Mucalin Ali , iyadoo sidoo kale la dhaawacay labo wiil oo aan Soomaali aheyn oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu dilku ka dhacay.
Dlka ayaa waxaa geystay koox burcad Koonfur African ah, muwaadinkaan la dilay ayaa waxaa uu noqonayaa Soomaaligii sedexaad oo asbuuc gudihiisa lagu dilay Cape Town.




From the comments