Wasaadda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda COVID-19 ku sheegtay in 48-kii saac ee la soo dhaafay la diiwaan geliyey 66 xaaladood oo Coronavrirus ah.
Wasaaradda ayaa xustay in kiisaska laga helay gobolka Banaadir 5, Somaliland oo laga diiwaan geliyey 46 kiis, Puntland 12 xaaladood, Koonfur Galbeed 2 kiis iyo Jubbaland oo laga xusay 1 kiis oo xanuunka COVID-19 ah.
Wasaaradda caafiimaad ayaa dhanka kale xustay in xanuunka ay u geeriyoodeen 2 ruux, taas oo tirada ka dhigeyso guaha dadka xanuunka u geeriyooday 87 ruux, tirada la shaaciyey 55 kamid ah waa Rag halka 11 ay yihiin Dumar.





From the comments