Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa qaar kamid ah beelaha dega Gobalka Mudug kala wareegtay hub iyo gadiid dagaal, taas oo qeyb ka ah qorshaha dardar gelinta diyaarinta Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo in dhammaan deegaannada Galmudug ay ka bilaabaan howlgallo ay ku gaarayaan kuwa ka maqan.
Qaar Ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyo beeleedyada waraajiyay hubka iyo gaadiidka ayaa xusay in ay diyaar u yihiin ka mid noqoshada Ciidamada daraawiishta Galmudug ee la qorsheynayo in marka ay soo dhamaadaan tababaridooda ay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-shabab.
Wasiirka wasaaradda amniga Axmed Macalin Fiqi ayaa horay u sheegay in ay bilaabayaan diyaar garowga ay ku garayaan deegaannada Galmudug oo ay ka arimiyaan Al-shabab ee gobolada Galgaduud iyo Mudug, wasaaradda ayaana maalmihii dambe la wareegeysay maleeshiyaadka ku sugan Galmudug.




From the comments