Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta shaacisay tirada ardayda u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ah, xarumaha imitixanaadka lagu galayo, Kormeerayaasha iyo Macallimiinta ka qayb galaya Ilaalinta Imtixaanka.
Wasaaradda ayaa xustay tirada ardayda sanadkaan u fariisanaysa imtixaanka dugsiyada sare iyo dhexe ay gaaraysa 16,500 arday oo isugu jira Fasalka 12aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee dugsiga dhexe, sida ay wasaaraddu ay ku sheegtay qoraal kooban oo maanta ay soo saartay.
Sidoo kale, 150 Kormeerayaal ah oo isugu jira shaqaalaha Wasaaradda iyo hawl-wadeennada kale ee imtixaanka ayaa kormeeri doona imtixaanka, halkan 400 oo ciidan Booliis ah loogu tala-galay in ay waardiyeeyaan.




From the comments