Maanta waxaa dunida oo dhan laga xusayaa maalinta deegaanka adduunka, dabaaldeggan ayaa ku soo aadaya xilli dalkeena ay dhibaatooyin badan heystaan deegaanka.
Maanta oo halkudheggu yahay “waa waqtiga dabeecada” ayaa waxaa olole loogu jiraa in la dhiirigeliyo waxyaabaha dabeecada ku saabsan.
Nolosha dhaqan dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed waxaa la sheegayaa in badankeed ku tiirsan tahay xoolaha nool, dalagga beeraha iyo khayraadka kale sida dhirta, taasi oo qasab ka dhigeysa ilaalinta dhirta iyo daaqa, oo ay deegaanka ilaashadaan, oo ay feejignaan dheer u yeeshaan cidkasta oo burburinaysa.




From the comments