Taliska ciidamada Amisom ee Dowladda Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta deeq raashin ah soo gaarsiiyeen shacabkii ka barakacay Baladweyne , kuwaas oo ay saameyn weyn ku yeesheen fatahaaddii webiga Shabeelle uu dhowaan ka sameeyey magaalada, taas oo sababtay in bulsho badan ay ka barabaxaan Baladweyne.
Deeqdaan oo cadadkeedu dhan tahay 90 tan ayaa dowladda Jabuuti waxaa ay u soo wakiilatay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka waxaana Maanta lagu wareejiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana la filayaa in ay gaarsiiyo shacabka ku barakacay duleedka magaalada.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dowladda ,shacabka aan waalaha nahay ee Jabuuti iyo saraakiisha ciidanka kaga mahadceliyay deeqdaan iyo sida ay u garab taaga yihiin mar weliba dadka Reer Hiiraan,isaga oo sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal ay si wanaagsan ula Shaqeyn doonaan.




From the comments