La taliyaha sare ee COVID19, kala taliyo wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegay in 24kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 13 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,731
Bukaannada cusub oo laga diiwaan geliyay Somaliland 8 iyo gobalka Banaadir 5 ayaa 10 kamid ah waxa ay yihiin rag, 3-na waa haween.
Feyruska Karoona waxaa bogsooday 12 qof oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 265 qof.




From the comments