Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaana loo soo galbiyey madaxtooyada magaalada Cadaado.
Madaxweyne Qoorqoor waxaa safarka uu gaaray Cadaado ku wehlinaya Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, wasiirro, xildhibaanno iyo xubno kale waxaana garoonka diyaaradaha ee duleedka bari magaalada Cadado kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa waxaa lagu wadaa Inta uu ku sugan yahay magaalada Cadaado inuu kulamo kala duwan uu la qaato Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo Bulshada, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso saameynta xanuunka Coronavirus oo dhowr qof u geeriyootay




From the comments