Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saaray awaamiir cusub oo la xiriira maalmaha ciidda gaar ahaan salaadda maalinkaas la dukado.
Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha diinta maamulkaas Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gabi ahaanba hakiyeen isu soobaxyadii maalmaha ciidda iyo saaladda Soonfurka isaga oo ku micneeyay inay ka hortagayaan faafitaanka xanuunka Coronavirus.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu tilmaamay in dadweynaha Puntland la faray inay salaadda ku oogaan guryahadooda maadaama marka la gaaro sanadkan oo kale ay bulshadu isku soo bixi jirtay islamarkaana ay meel fagaara ah ku tukan jireen salaadda Soonfurka.




From the comments