Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta agab Caafimaadka geysay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka galmudug taasi oo loogu talagalay ka hortaga iyo xakameynta cudurka dalka kusii faafaya ee covid-19 .
Agabkaan oo isugu jiray Sariiro iyo qalabkale oo looga hortaga cudurka safmareenka ayaa waxaa kala wareegay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug waxaana ay ku bogaadiyeen dadaalka wasaaradda ay dowlad-goboleedyada ku geyneyso daawooyinka iyadoo si wadajir ah looga shaqeynayo ka hortaga cudurkaan qatarta ah Karoona Feyrus.
Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka soomaaliya ayaa waxa ay maanta agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga iyo xakameynta Covid-19 u dirtay gobolada Sool iyo Sanaag.




From the comments