Safaardda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinayso dalka Soomaaliya iyadoo laabashada muwaadiniintaan safaaradda ay ku xirtay dhowr shuruudood oo looga baahan yahay muwaadiniinta dalka doonayo in ay dib ugu laabtaan.
Safaaradda ayaa sheegtay in dadka la celinayo ay qasab tahay in ay haystan Baasaboorka ama degganaanshaha gudaha Soomaaliya , isla markaana aysan qabin cudurka xanuunka safmarka ah ee COVID-19 oo kiisas badan laga helay labada wadan sida lagu sheegay war ka soo baxay safaaradda.
Safaardda ayaa maalmihii la soo dhaafay diiwana gelisay dadka ku xaniban dalka Kenya, iyadoo weli diyaar u ah in ay sii diiwaan gelliso dadka weli dhiman.




From the comments