Wabiga Shabeelle ayaa maanta ku fatahay Tuulooyin hoosyimaada magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle, waxaana ka mid ah deegaanada uu Wabiga ku fatahay Kalluundi, Timire iyo Maangaay oo dhammaan ku teedsan jiinka Wabaiga Shabeelle ,
Fatahaadda Webiga uu sameeyey ayaa saameyn ku yeelatay dhul beereed baaxad weyn oo dalagyada nuucyadooda kala duwan ay ku yaalaan maadaama dhulka webiga ku teedsan inta badan ay degan yihiin dadka beerta Qudradda.
Yacquub Buule, wuxuu ka mid yahay dadka beeraleyda ah ee ku nool Hareeraha Wabiga Shabeelle isaga oo la hadlay warbaahinta qaranka wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhul gaarayo 500 oo hectar oo ku taalla tuulada Kalluundi biyaha ay dhex ceegaagaan,kuwaas oo ku beeran dalagyo kala duwan sida uu hadlka u dhigay.




From the comments