Warar ka duwan ayaa ka soo baxayo diyaarad galinkii dambe ee maanta ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha degmada Bardaale ee gobolka Baay , ka dib markii ay ka soo duushay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Diyaaradda ayaa waxaa lahaa shirakadda Diyaaradaha ee African Express waxaana qaaday shixnado daawo iyo qalabka laga xirto Kaneecada waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababihii keenay in ay soo dhacdo .
Diyaaradda ayaa markii ay soo dhacaysay waxaa la socday shaqaale isugu jiray kuwo Soomaali ah iyo Ajaanib waxaana wararku ay intaas ku dayaan in shilka diyaaradda ay ku geeriyoodeen dhammaaan dadkii saarnaa oo ahaa lix ruux oo shaqaale ah labo ka mid ah ay Soomaali ahaayeen halka afarta ruux kale ahaayeen shaqaale Ajaanib ah.




From the comments