Wasiirkii dastuurka iyo arrimaha sharciga dalka Tanzania Augustine Mahiga ayaa saaka ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Dodoma, iyadoo aan la shaacin xanuunka uu u geeriyooday laakiin la sheegay in lagu soo booday.
War-Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli yaa lagu xaqiijiyey in uu geeriyooday Wasiirkii Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka dalkaas Augustine Mahiga.
Dhanka kale Madaxweynaha Tanzania John Magufuli wuxuu sheegay in Mahiga uu ku xanuunsaday gurigiisa isla markaana uu geeriyooday markii la geeyay isbitaal maxalli ah si loogu baxnaaniyo xaaladiisa caafimaad.




From the comments