Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee ku aadan xanuunka Coronavirus, wasaaradda ayaana xaqiijisay inuu jiro korarka xanuunka ee bulshada dhexdeeda ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa diiwaan geliyey kiisaskii ugu badanaa Corona.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur oo gordhow hadashay ayaa ka warbixisay guud ahaan tirade xaaladaha cusub ee COVID-19 ee dalka. Wasiiraka ayaa xustay 24saac ee ugu danbeesay wasaaraddu xaqiijisay 44 xaaladood oo Coronavirus ah.
Wasiirka ayaa bidhaamisay muhiimada ay leedahay in bulshadu raacdo tilmaamaha ay ku baaqeyso Wasaaradda Caafimaadka sida gacma dhaqashada iyo nadaafadda guud si loo yareeyo faafidda cudurka ee bulshada dhexdeeda.




From the comments