Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo goor dhow qoraal soo saartay ayaa sheegtay in xalay isbitaalka Martiini ay ku geeriyoodeen 9 qof oo la xanuunsanayay cudurka COVID-19 waxa ayna wasaaraddu tacsi u dirtay ehalada marxuumiintaas.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
Dhanka kale wasaaradda ayaa isbitaallada gaarka loo leeyahay u dirtay digniin ah inay soo gudbiyaan bukaannada ay ku arkaan astaamaha Coronavirus.




From the comments