Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan Qaad badan oo la doonayey in la soo galiyo deegannada Somaliland, ka dib hakad la geliyey muddo 25 cisho ah sida uu dhowaan uu sheegay guddiga wacyi gelinta iyo ka hortagga xanuunka Coronavirus.
Ciidamada ayaa qaadka ku qabtay magaalada Baligubadle oo u dhow xadka dalka Itoobiya shalay gelinkii dambe kaas oo laga keenay dhanaca dalka Itoobiya waxaana lagu qiyaasay inuu ahaa 200-kilo oo Qaadka dhadheera iyo 100 -Marduuf waxaana la keeay magaalada Hargeysa, iyadoo markii dambe lagu gubay goob fagaaro ah.
Goobta Qaadka lagu gubayay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska gobolka Maroodi-Jeex iyo xubno kamid ah guddiga wacyi gelinta iyo ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo dadweyne u soo daawasho tagay goobta lagu gubayey Qaadka ay soo qabteen ciidamada amniga,




From the comments