Ra’iisul-wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, ayaa ku dhawaaqday in waddankeedu ay u suurtagashay iney joojiyaan faafitaanka fayaraska Coronavirus oo ay ka hortageen inuu bulshada badankeeda uu saameyn ku yeesho. Waxey tilmaantay in la fududeyn doono bandowga adag habeennimada Isniinta, laakiin waxey carrabka ku adkeysay iney lagama maarmaan tahay in si xoog leh loo baraarugsanaado.
Jacinda, waxey caddeysay in New Zealand ay joojisay “Safmarkii ballaaran oo cudurku aanuu dad badan gaarin.”, iyadoo tilmaantay in waddankeeda uu ka taxadaray inuu xaalad adag waajaho, waxeyna hoosta ka xariiqday iney lagama maarmaan tahay in la sii wado fayraska Corona.
Waxaa la filayaa in hal-milyan oo qof ay shaqadooda dib uga howl bilaabaan goobahoodii shaqada, iyadoo sharuudda ku xiran ay tahay in shirkaduhu ay la yimaaddaan tallaabo ay kula soconayaan “Covid-19”, iyadoo la qaadayo Tallaabooyin ku habboon oo caafimaad, fayoobiqabka iyo kala dheeraanshiyaha bulshada.




From the comments