Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ay wehliyaan Hey’addaha Garsoorka, Taliska Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa Saldhiga Booliiiska degmada Wadajir ku gubay 51 jawaan oo Maandooriyaha Qaadka ah, kaasi oo si sharci darro ah lagu soo geliyay Muqdisho.
Taliyaha Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Yuusuf Xundubeey ayaa sheegay in xalay Howlgal ay fuliyeen ugu suura gashay in ay gacanta kusoo dhigaan gawaari lagu siday Khaat sharci darro ah.
Dhinaca kale Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa ayaa xukunno 6 bilood oo xarig ah ku riday Milkiilayaasha Gawaaridaasi oo Afar ruux ah, kuwaasi oo baxsad ah, iyadoona sidoo kale Laamaha Garsoorka oo cuskanaya qodobo dastuuri ah sheegay in lala wareegay 4 Gawaari oo ahaa kuwii lagu qabtay qaadka




From the comments