Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta koror uu ku yimid kiisas xanuunka Coronavirus, wasaaradda ayaana sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga helay kiisas gaarayo 36 kiis taas oo ka dhigeyso in gudaha laga diiwaan gliyey ilaa 116 kiis, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasirka wasaaradda caafimaadka Dr Fowsiyo Abiikar Nuur.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ayaa lagu yiri “24kii saac ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof. Waxaa laga helay cudurka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof.
Bukaanada cudurka maanta laga helay, 27 kamid ah waa LAB, 9 ka kalena waa DHADIG. 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%). 5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). 1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano.




From the comments