Wasaaradda caafimaadka iyo dayeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa goordhow shaacisay kiisas ku soo kordhay xanuunka Coronavirus kuwaas oo dhowaan dalka laga diiwaa geliyey 60 kiis
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay dalka ku soo kordheen 20 kiis oo xanuunka COVID-19 ah taas oo tirada guud ee kiisas xanuunka ka dhigeyso 80. Wasaaradda ayaan cadeynin 20 kiis ee cusub goobaha laga kala diiwaan geliyey.
Warka qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale lagu yiri wasaaradda waxaa ay shacabka ugu baaqeysaa in qodkii isku arko xaalada xanuunka ah uu meel gaar isku karaantiilo.




From the comments