Agaasime ku-xigeenkii Goobjoog Media Group Cabdicasiis Gurbiye ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe, ee magaalada Muqdisho iyada aysan dhicin garmaqalka dacwaddiisa markii qareenadiisa ay gudbiyeen gal dacwadeedkiisa.
Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaana ayaana dacwadiisa dib loo dhigay waxaana Maalintii Labaad ku xiran yahay amarka xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya lamana shaacin sababta uu u xiran yahay Cabdicasiis Gurbiye.
Maaaamulka Goobjoog Media Group oo war-saxaafadeed ka soo-saaray xarigga Cabdicasiis Gurbiye ayaa waxa ay si kulul u cambaareeyeen xarigga wariyaha oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo soo marin sifo sharci ah.




From the comments