Somaliland ayaa dawladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in ay faro galin ku hayso arrimaheeda gudaha, gaar ahaan xaaladaha la xariira tira koobka cudurka COVID-19,kaas oo kiisas la xariira ay shaacisay dowladda Soomaalia.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Koorre oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wasaradda caafimaadka Soomaaliya ay dadkii laga helay Coronavirus ee deegaanada Somaliland ay ku dartay dadka laga helay COVID-19 ee ku nool koonfurta Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland dhankooda aysan diyaar u aheyn in waqtigaan la siyaasadeeyo xaaladaha la xariira cudurka COVID-19 oo magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa lagu arkay kiisas , lakiin Somaliiland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay siyaasadeyneyso arrimaha la xariira kiisaska cudurka COVID-19.




From the comments