Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa baaq u diray dowladda federaaka Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu xusay in Hirshabeelle ay ka jirto dhibaato iyo cabsi ku aadan Coronavirus.isaga oo intaas ku daray in dowladda federaalka ay ka gaabisay dhibaatada ka jirto maamulkaasi.
“ Waxaan rabaa inaan dowladda ugu baaqo iyada ayaa dalka dowlad ka ah iyo dowlad goboleedyada, Hirshabeelle dhibaato ayaa ka jirto cid ka war heyso ma jirto, cid ka wacyi gelinaysaa xanuunka majirto, runtii aad iyo aad ayey uga gaabiyeen waxaan rabaa dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato” ayuu yiri guddoomiye Sheikh Cismaan,
Guddoomiya dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay iyadoo dalka xuduudihiisa la xiray in weli xuduudka gobolka Hiiraan ee uu la wadaago dalka Itoobiya ay furan tahay aanan laga war heynin Qaadkana si joogto ah uu uga yimaado maalin weliba waxaana hadalkiisii ka mid ah guddoomiya xili uu ka hadlaayey arrinraas.




From the comments