Taliska iyo Saraakiisha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala deegaannada Galmudug ayaa hawlgallo ka sameeyay degaanka Camaara oo ka tirsan gobalka Mudug, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabab.
Taliyaha qeybta 21-aad Ciidanka Xoogga dalka Gen C/Casiis C/Laahi “Qooje iyo Sarakii kale ayaa gaaray Camaara ayaa shacabka deegaanka la hadlay, Camaara ayaa ka Mid ah deegaanno dhowr ah oo gobolka Mudug ah oo ay maalulayeen Al-shabab muddooyinkii dambe.
Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gen: “Qooje” oo la hadlayey shacabka Camaara ayaa u sheegey in Ciidamadu ay horay usii socon doonaan qorshahooda iyo mowqifkoodana uu yahay in nabada la gaarsiiyo dhammaan deegannada kale ee aan xorta aheyn sida uu hadalka u dhigay taliye Qooje.




From the comments