Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa goordhow shaacisay in gudaha Somaliland laga xaqiijiyey labo ruux kuwaas oo laga helay xanuunka COVID-19 oo haray wasaaradda caafimaadka u karantiishay markii laga shakiyey, wasaaradda ayaana ka qaaday dheenaanno lagu ogaanayey in ay ka badqabaan Caabuqa Coronavirus.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi Bade oo goordhow saxaafadda kula hadalay magaalada Hargeysa ayaa sheegay labo ruux ay dhowaan wasaaraddu dheecaanno ay ka qaaday ay u dirtay dibadda si loo soo xaqiijiyo in jirkooda uu ku jro caabuqa Corona in baaritaankii lagu ogaaday in labaan ruux ay qabaan.
Wasiirka ayaa sheegay in labada ruux horay loo karaantiilay markii laga shakiyey, ay yihiin muwaadin Soomaali kana soo jeeda deegaannada Somaliland kaas oo sedex casho ka hor soo gaaray Hargeysa kana yimid wadanka Ingiriiska oo ka mid ah wadama Yurub ee sida weyn uu u saameeyey Coronavirus.




From the comments