Shir ay isugu yimaadeen madaxda dowlad gobaleedka Puntland oo ka dhacay magaalada Garowe uu goobjoog ahaa madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cismaan Karaasha, ayaa looga hadlay arrimo ku aaddan amniga Puntland iyo xanuunka Coronavirus.
Gabagabadii kulanka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ku aaddan wixii kulanka looga hadlay, iyadoo lagu amaray ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ee loo yaqaanno PMPF in ay ka howlgalaan in xeebaha ku teedsan Puntland aysan soo gelin doomaha kaluumeysiga sharci darrada ah si looga hortago caabuqa COVID-19.
Sidoo kale waxaa la mamnuucay isku imaatinka bulshada goobaha xafladaha, maqaaxiyaha laga cunteeyo, kuwa Shaaxa laga cabo kuwaas inta badan bulshadu aad u fariistaan iyo goobaha dhalintu ku ciyaaraan kubadda cagta, iyada oo bandow lagu soo rogay deegaanada Puntland laga bilaabo 1-da April..


.


From the comments