Guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ee Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi ayaa waxaa ay war hor leh ka soo saareen Caabuqa COVID-19, iyadoo amarro la dul dhigay dadka dibada ka imaanayo.
War qaraal ah oo guddiga ka soo baxay ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabo rakaabka ka imaanayo wadamada dhaca qaaradda Yurub iyo woqooyiga America aysan imaan karin deegaannada Somaliland, maadaama xanuunka Corona uu si aad ah u saameeyey.
Sidoo kale qoraalka ka soo baxay guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ayaa lagu xusay amarro la dul dhigay diyaaradaha ka imanayo waddamadaasi kuwaas oo soo gaarayo garoonka diyaarada ee Cigaal ee magaalada Hargeysa in aysan rakaab ka soo qaadi Karin Yurub iyo America.





From the comments