Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobleedka Galmudug ayaa ku waramayo in dil loogu geystay magaaadaasi xubin hore oo ka tirsanaan jiray ururka Ahlusunna, waxaana dilkaasi geysatay qaar ka tirsan ilaalada Senetor Dhageey.
Dilka ayaa yimid ka dib markii gaari uu watay Marxuum Shaafici Xaaji Diiriye ay rasaas ku fureen ilaalada Hoyga Seneter Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey, xili marxuumka uu watay gaari nuuca raaxada ah xili uu marayey meel u dhow koontarool ciimada ay la haayeen.
Majiro wax wara oo ilaa iyo hadda ka soo baxay ciidamada Booliska oo ku aaddan dilka maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.




From the comments