Hey’adda Qaramada Midoobay u xil saaran Cunnada iyo Beeraha ee (FAO), ayaa laba doon kalluumeysi oo casri ah waxa ay ugu deeqday qaar kamid ah kalluumeysatada degmada Hobyo ee gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug.
Mashruuca ka hortagga Burcad-badeednimada ee bulshooyinka xeebaha (CCAP) ayaa fuliyay tababar shan maalin qaatay oo ay u sameeyeen kalluumeystada Hobyo ka hor inta aan doomaha lagu wareejin, kaasoo ay ku bareen bed-qabka kalluumeystada xilliyada ay kalluumeysanayaan iyo wadidda doomaha casriga ah.
Wasaaradda Kalluumeysiga Galmudug iyo maamulka degmada Hobyo oo ka mahadceliyay tababarka iyo deeqda doomaha ah ee qaybta ka qaadanaya shaqo abuurka, kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta burcad-badeednimada, ayaa dalbaday in la sii wado kaalmeynta iyo tababarrada kalluumeystada iyo Iskaashatooyinka, si loogu guuleysto hadafyada waa weyn ee la hiigsanayo.



Goobjoog News

From the comments