Taliyihii Saldhigga ciidamada Booliska degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa xili uu marayey wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Taliye Cabdiqaadir Cismaan Mursal (Nuunow) ayaa qaraxu haleelay xili uu marayey deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa intaasi ku daya in taliyaha ay la geeriyoodeen sedex askari oo karirsanaa ilaaladiisa, kuwaas oo saarnaa gaariga taliyaha uu la socday ee qaraxa lagu xiray.




From the comments