Somaliland iyo Midowga Yurub ayaa maanta kala saxiixday heshiis lagu hormarineed ka dib munaasaba lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, uuna goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.
Labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiiskaan oo la sheegay in uu ku kacaayo 7milyan oo dollar waxaana labada dhinac u kala sixixiisay wasiirka arrimahagudaha xukuumadda Somaliand Maxamed Kaahin Axmed iyo ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicolas Berlanga.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa halkaas ka sheegay in heshiiskaan uu yahay mid muddo laga soo shaqeynayey, isla markaana lagu horumarin doono dhanacyada caddaalada iyo ciidamada Somaliland.




From the comments