Munaasabad lagu daah furayay kal fadhiga 2-aad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxa ay ka dhacday magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulkaasi, waxaana munaasbadaasi daahfuray Axmed Madoobe hogaamiyaha Jubbaland.
Munaasabadda oo inta badan ay soo xaadireen mudanayaasha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay ujeedkeedu ahaa in uu dib u howlbilaabo baarlamaanka maamulkaasi oo muddo fasax ku maqnaa.
Axmed Maxamed Islaam Madoobe madaxweynaha Jubbaland oo goobta munaasabadda ka hadlay ayaa eedeymo kala duwan waxa uu u jeediyay madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah saxiibada Soomaaliya.




From the comments